Noqoshada Waalid Cusub ama Daryeel bixiye​

Haddi aad gurigaaga ku soo dhawaynayso ilmo dhawaan dhashay ama ka wayn, waxa jira wakhtiyo yar oo nolosha ah oo la barbar dhigi kara maalmaha hore ee ilmaha cusub.
​ Waa wax iska caadi ah in la dareemo walaac iyo culays.  Ma jiro buug-gacmeed, laakiin waxaa jira taageero waalidiinta cusub iyo daryeelayaasha Maine.

Waxaan taageero u raadinayaa aniga iyo ilmahayga:

CradleME

Waad iska qori kartaa si laguugula soo xiriiro barnaamijyada kaa caawin kara adiga iyo qoyskaaga. Kadib, haddii aad doorato, waxaad dejisan kartaa wakhti aad ku kulanto gurigaaga, ku biirto fadhi muuqaal ah, ama aad ku sii wadato taleefanka.

Image
A circular blue badge with a simple person holding a baby in the center.

G.E.A.R. Parent Network

​Waxaad la hadli kartaa waalidiinta kale kuwaas oo la kulmay waayo-aragnimo la mid ah tan aad rabto waxaadna ka heli kartaa macluumaad ku saabsan taageerada. 

Image
GEAR Parent Network Logo

Help Me Grow Maine

Haddii aad leedahay ilmo jira 8 sano ama ka yar, waxaad baahiyahaaga kala hadli kartaa khabiirka taageerada qoyska.​ 

Image
help me grow maine logo

Waxaan raadinayaa fasallo ama kooxo-ciyaareed:

Maine Children’s Trust

Waxaad raadin kartaa habab maxalli ah oo aad kula xiriirto waalidiinta kale, daryeelayaasha, iyo carruurta si ay u ciyaaraan ama u bartaan. 

Image
MPC logo

Waxaan rabaa inaan ogaado waxa kale oo halkaas ka jira:​

Be There for ME waxaa loogu talagalay dhammaan waalidiinta iyo daryeel bixiyasha Maine, iyo dadka taageera. Helitaanka taageerada waxay noqon kartaa mid adag waxayna qaadan kartaa waqti. Samee talaabada ugu horeysa maanta, xitaa haddii aadan hubin meesha aad aadi rabto. Macluumadka ku jira mareegtani waa meelo aan xukun lahayn oo laga bilaabo si loo helo taageero.

Playful grandfather spending time with his grandson in park on sunny day