Ma hubo halka aan ka bilaabo
Caawimaad waydiisashadu waa adag tahay. Laakiin mararka qaarkood qaybta ugu adag ayaa ah in la ogaado waxa waxtar leh, ama meesha ugu fiican ee laga bilaabi laha ay noqon karto. Haddi ay tahay wax aad naftaada ugu baahan tahay, shay aad ku caawiso qoyskaaga, ama qof aad la hadasho, caawimaad ayaa jirta. Si aad u bilowdo, waa kuwan meelo la isku dayo.
Be There for ME waxaa loogu talagalay dhammaan waalidiinta iyo daryeel bixiyasha Maine, iyo dadka taageera. Helitaanka taageerada waxay noqon kartaa mid adag waxayna qaadan kartaa waqti. Samee talaabada ugu horeysa maanta, xitaa haddii aadan hubin meesha aad aadi rabto. Ilaha ku jira mareegahan waa meelo aan xukun lahayn oo laga bilaabo si loo helo taageero.