Sida Loo Joogo

Be There for ME waxaa loogu talagalay dhammaan waalidiinta iyo daryeel bixiyasha Maine, iyo dadka taageera. Helitaanka taageerada waxay noqon kartaa mid adag waxayna qaadan kartaa waqti. Qof kastaa wuxuu leeyahay door uu ka ciyaaro - laga bilaabo daryeel bixiyeyaasha caafimaadka, macalimiinta ilaa deriska iyo saaxiibada.​  Fiiri fikradaha hoose sida aad u caawin karto qoysaska bulshadada, dhaafsiisan isla wadaagista Be There for ME macluumaad ahaan.
​ Waxa kale oo aad ka heli doontaa warqadaha xayisiinta ah, nuxurka warbaahinta bulshada, kaadhadhka rackka iyo boodhadhka si logu soo dejiyo agabka hoose. 

Sida Loo Joogo Waalidiinta iyo Daryeelayaasha

  • U sheeg Waalidiinta inay ogaadaan inaad aragto sida ay ugu dadaalayaan naftooda iyo carruurtooda.​
  • Hubi saaxiibbadaa iyo deriskaaga- weydii sida ay xaaladdoodu tahay!​
  • La wadaag sheekadaada.​ Ka fikir wakhti aad halgantay oo aad u baahnayd taageero. Wadaagista tan waxay kaa caawin kartaa yaraynta dhaleeceynta caawinaad weydiisashada.​
  • Weydii sida aad u caawin karto.​ U diyaar garow inaad bixiso doorashooyin, sida inaa cunta siso ama la ciyaarto carrurtooda marka ay nasanayaan.​
  • Isku day inaadan xukumin, oo taa beddelkeeda dareensi inaa daryeelayso oo aad caawinayso.​ Waxaa jira siyaabo badan oo loo maro waalidka.​
  • Haddii aad aragto qof halgamaya, u tilmaan meelaha ay ka heli karaan taageerada, sida Be There for ME.
  • Soo hel siyaabo aad isugu xidhid!​ Ku sheekeysiga bostajada baska, wada lugeynta, kullanka kafeega-waxyaabahan yar-yar dhammaan waxay isu geeyaan inaad dareento isku xirnaan iyo taageero bulshadada dhexdeeda ah.​
  • Weydiiso naftaada caawimaad.​ Qof kastaa wuxuu leeyahay wax uu bixiyo, wayna u fududaan kartaa inuu  qofka aqbalo caawimaad haddii ay tahay iswadaarsi.​
  • Samir.​ Mararka qaarkood dadku waxay u baahan yihiin caawimaad laakiin diyaar uma aha.​ U sheeg iyaga inaa adiga halka u joogtit - mar kasta oo ay u baahan yihiin.​

“Cabsida in la yiraahdo way halgamayaan.​ Cabsida ah in la yiraahdo ma heli karaan nolol maalmeedkooda. Cabsida laga qabo inay waayaan guryahooda.​ Cabsida ay ka qabaan qaabka ay u tarbiyadeeyaan ubadkooda ka dibna ay ka baqaan in laga kaxeeyo.​ Waxaan u baahanahay inaan awoodno inaan dadka caawino iyada oo aan la xukumin."​

Toolkit